Waxaa laga yaabaa in aad horey u abuurtay blog affiliate ah, laakiin waxaad is weydiinaysaa:
“Sideen uga dhigi karaa mid lacag joogto ah ii soo geliya?”
Halkan waxaan kugu siinayaa qorshe cad oo kaa caawinaya inaad blog-gaaga affiliate ka dhigto machine lacag sameeya – xitaa adigoo hurda!
- Qor Content Xirfadeysan oo SEO Friendly ah
Ma ahan in aad wax qorto kaliya, waa in aad wax u qortaa si akhristuhu:
U fahmo
U aaminao
U gujiyo link affiliate-kaaga
Talooyin:
Isticmaal keywords raadin badan leh
Ka hadal dhibaatada dadka haysta + xal (product affiliate ah)
Qor content joogto ah – ugu yaraan 2 maqaal usbuucii
- U Samee Email List Website-kaaga
Email marketing waa dariiq wax ku ool ah oo lagu helo iib joogto ah.
Samee:
Foomka is-diiwaangelinta (ku dar “Download free guide”, “Hel qiimo dhimis” iwm.)
Soo dir emails wacan oo affiliate links ku dhex jiraan
U dir jadwal – 1 ilaa 2 email toddobaadkii
Talo: Isticmaal tools sida MailerLite, ConvertKit ama Brevo.
- Bixi Wax qiimo leh oo Bilaash ah (Lead Magnet)
Tusaale:
E-book “10 qalab oo tech ah oo qiimo jaban oo tayo leh”
Checklist “Sida loo bilaabo blog affiliate ah 2025”
Marka dadku helaan wax bilaash ah, waxay aaminaan, kadibna waxay u badan tahay inay iibsadaan marka aad affiliate link siiso.
- Samee YouTube, TikTok, ama Facebook Page U Gaara Blog-gaaga
Ku soo bandhig maqaaladaada video ahaan
Ku xir YouTube-ga ama TikTok-ga blog affiliate-kaaga
Ku dar affiliate links meelaha bannaan sida bio, comments, ama description
Multichannel = Dakhliga kordhay
- Isticmaal Affiliate Programs Kala Duwan
Ha ku tiirsanayn hal program oo affiliate ah.
Ku xir:
Amazon
ClickBank
ShareASale
Digistore24
Koorsada aad adigu sameysay (mustaqbalka)
Sidaas waxaad u leedahay il dhaqaale kala duwan oo ammaan ah.
- La Soco Analytics – Wax Ka Baro Waxqabadka
Eeg maqaalada ugu iibsiga badan
Link-yada ugu gujinta badan
Keywords-ka lagugu helo
Faa’iido: Markaad ogaato waxa shaqeynaya, waxaad xoojisaa, waxaadna joojin kartaa wax aan faa’iido lahayn.
Gunaanad:
Blog affiliate ma noqonayo dakhli joogto ah hal habeen. Laakiin haddii aad si xikmad leh u dhisto:
Content tayo leh
SEO xooggan
Email list adag
Xiriirro kaladuwan oo affiliate ah
Waxaad heli doontaa dakhli joogto ah, waqti kasto, meel kasta oo aad joogto.