l   Sidee Loogu Hagaajiyaa SEO-ga Blog Affiliate ah? (Talooyin Fudud oo Wax Ku Ool ah) - abukarali
Search
Close this search box.

Sidee Loogu Hagaajiyaa SEO-ga Blog Affiliate ah? (Talooyin Fudud oo Wax Ku Ool ah)

SEO (Search Engine Optimization) waa furaha guusha ee blog affiliate ah. Haddii aad rabto in dadka Google kaaga helaan, una gujiyaan links affiliate-kaaga, SEO-gaagu waa inuu ahaadaa mid xooggan.

Halkan waxaan kuugu soo gudbinayaa tilmaamo muhiim ah oo SEO-ga blog affiliate ah kor loogu qaado:


  1. Samee Cilmi-baaris Keywords ah (Si Fudud)

Keywords waa ereyada ay dadku ku baadhaan Google. Haddii aad isticmaasho ereyada saxda ah, blog-gaaga wuxuu kusoo bixi doonaa natiijooyinka Google.

Talooyin:

Isticmaal tools sida: Ubersuggest, Google Keyword Planner, ama Ahrefs Free Tools

Raadso keywords ay dadku raadinayaan sida:

“Telefoon fiican 2025”

“Laptop fiican oo shaqo lagula tago”

Tusaale: Halkii aad ka oran lahayd “Qalab wanaagsan”, ku qor “Tablet fiican oo caruurta loogu daawado cartoon”.


  1. Ku Dar Keywords-ka Meelaha Muhiimka ah

Cinwaanka maqaalka (Title)

Qodobka ugu horeeya (intro paragraph)

Subheadings (H2, H3…)

URL-ka blog-ka (tusaale: yourwebsite.com/laptop-fiican-2025)

Meta description (sharraxaadda gaaban ee Google tuso)


  1. Qor Maqaallo Dheer oo Tayadoodu Sarreyso

Google wuxuu jecel yahay content qiimo leh oo dhammeystiran.

Talooyin:

Qor ugu yaraan 800 ilaa 1500 eray

Ku dar sawirro, videos, iyo listyo si loo fududeeyo akhriska

Isticmaal internal links (xiriiryo blog kale oo aad leedahay) iyo external links (xigashooyin tayo leh)


  1. Ku Daro Alt Text Sawirradaada

Alt text waa sharraxaadda sawirka ee Google akhrin karo.

Tusaale: Haddii aad sawir ka dhigatay laptop Acer ah, alt text ugu qor: “Laptop Acer Aspire 5 – Review 2025”

Waxay ka caawisaa in sawirradaada lagu helo Google Images.


  1. Ka Shaqeey Loading Speed-ka Website-kaaga

Website degdeg u furma wuxuu ka sarreeyaa Google. Dadkuna ma sugayaan bog gaabis ah.

Talooyin:

Isticmaal hosting fiican (tusaale: Hostinger, Namecheap, SiteGround)

Comprees sawirrada (tools: TinyPNG)

Isticmaal plugins sida WP Rocket ama LiteSpeed Cache


  1. La Soco SEO-ga Blog-gaaga

Isticmaal qalab sida:

Google Search Console – si aad u aragto keywords-ka lagugu helay

Google Analytics – si aad u ogaatid cidda booqata boggaaga iyo waxa ay xiiseynayaan

Share This Article